Dhismaha Darbiga Kenya ee Beledxaawo oo la joojiyay

Dhismaha Darbiga Kenya ee Beledxaawo oo la joojiyay

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Maxamuud ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in la hakiyay dhismihii ay dowladda Kenya ay ka waday magaalada Beledxaawo iyo guud ahaanba xadka Kenaya ay la wadaagto Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay wadahadal dhexmaray madaxwaynayaasha Kenya iyo Soomaaliya in la isku afgartay in la joojiyo dhismaha darbiga, iyadoona guddi labada xukuumadood ka socda loo xilsaaray arrinta darbiga oo keenay shacabka inay si’aad ah uga xumaadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay beri oo ku beegan 27ka March in loo balansanyahay labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya inay ka wada hadlaan dhismaha darbiga.

Dowladda Kenya ayaa dhismaha darbiga ka waddo gudaha dhulka Soomaaliya, taasi oo ah boob toos ah oo lagu hayo dhulka iyo badda Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com