HomeUncategorized

Xaaladda Baladwayne oo saaka dagan iyo maleeshiyaadkii dagaalamay oo wali is horfadhiya

Baladwayne,Feb 12 -Xaaladda magaalada Beladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka ah mid dagan kadib markii shalay uu dagaal ku dhexmaray xaafadda Howlwadaag ee glabeedka magaaladaasi ciidamo katirsan maamulka dooxad Shabelle ee dhowaan sheegtay inuu gacan ku haynta magaaladaasi kala wareegay ururka Al-Shbaab iyo maleeshiyo beeleed hubaysan oo la sheegay inay ka biyo diidsanyihiin in magaalada uu maamulo dooxada Shabelle.

Madaxweynaha Puntland oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Caawa iyo Daljir_Axad Nov 25-2012, Cabdifataax Cumar Geeddi ‘_ Nairobi Kenya
Caawa iyo Daljir, arbaca, Nov 28,Maxamuud Cabdi Ibraahim (Daljir Boosaaso)

Baladwayne,Feb 12 -Xaaladda magaalada Beladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka ah mid dagan,kadib markii shalay uu dagaal ku dhexmaray xaafadda Howlwadaag ee glabeedka magaaladaasi ciidamo katirsan maamulka dooxad Shabelle ee dhowaan sheegtay inuu gacan ku haynta magaaladaasi kala wareegay ururka Al-Shbaab iyo maleeshiyo beeleed hubaysan oo la sheegay inay ka biyo diidsanyihiin in magaalada uu maamulo dooxada Shabelle.

6-qof ayaa geeritooyay iyadoona inka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkii shalay kadhacay magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Afhayeenka maamulka Dooxada Shabelle Maxamed Nuur Dabaashe ayaa waxaa uu sheegay dagaalka inuusan ahayn mid u dhaxeeya maleeshiyo beeleed,balse uu yahay dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Dooxada Shabelle iyo kooxo uu ku tilmaamay nabaddiiyaal taageero ka helaya ururka Al-Shabaab.

Magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka istaraatiijiga ah ee gobolada dhexe,waxaana ay isku xirtaa gobolada waqooyi iyo koonfurta dalka Soomaliya,dhanka kalena waxaa ay xuduud la leeday dalka Itoobiya.

Ciidamo kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo garab ka helaya dowladda Itoobiya ayaa bishii Desember ee sanadkii tagay kala wareegay magaalada Baladwayne ururka Al-Shabaab oo muddo 3-sanadood ah katalinayay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: