Shir heer Caalami ah oo ka Furmaya Muqdisho

HomeWararka

Shir heer Caalami ah oo ka Furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socda Midowga Afrika iyaga oo Magaalada Muqdisho uga qeybgelaya shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka ee So

Isagoo naafo ah ayuu ku guulaystay inuu waxbarashadiisa jaamacadeed xaqiijiyo (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyada kula kulmay guddiga gurmadka Culimada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed
BOOSAASO OO LAGA TAGEERAY MADASHA BADBAADO QARAN (Daawo)

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socda Midowga Afrika iyaga oo Magaalada Muqdisho uga qeybgelaya shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya,Midowga Afrika oo ay iyaga matalayaan iyo danjirayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wafddigan oo tiradoodu tahay 10 Qof waxaa ay Muqdisho u joogaan shirkaas iyo qiimeyn ay ku sameynayaan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wafddiga ayaa sidoo kale u kuur gelaya hanaanka mas’uuliyadda amniga Soomaaliya Ciidanka AMISOM ugu wareejinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa guulaha laga gaaray howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo sanadkii 11aad gelaya Bisha March ee soo socota, caqabadaha lagala kulmay,waxyaabaha hadda taagan ee ay tahay in la wajaho, sida amniga Soomaaliya loogu wareejin karo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qodobo kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: