Agaasime diiday Xil ka qaadis lagu sameyaay

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu dhawaan shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in uu aqbalay shaqo joojinta wasiirka laakiin uu diiday shaqo ka eryidda wasiirku sheegay.

Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in uu la soo shaqeeyay 10 Wasiir,markii ugu horreysayna wasaaaradda khilaafkeeda soo baxay iyada oo uu Wasiir maareeye Bil iyo labo maalmood wasiir yahay.

Ducaale waxaa uu sheegay in uusan wasiir xilka ka qaadi karin,sidoo kalena uu heysto ansixin gole wasiirro iyo digreeto madaxweyne sidaas darteedna uu madaxda ugu baaqayo in ay arrintan fara geliyaan.

Dhinaca kale wasiir Ganacsiga ayuu ka dalbaday in uu caddeyn u keeno eedaha uu u jeediyay isaga ee shaqo ka joojintiisa uu u cuskaday.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com