Isagoo naafo ah ayuu ku guulaystay inuu waxbarashadiisa jaamacadeed xaqiijiyo (dhegayso)

Isagoo naafo ah ayuu ku guulaystay inuu waxbarashadiisa jaamacadeed xaqiijiyo (dhegayso)

Ismaaciil  Raage ayaa ka mid ahaa boqolaal arday oo ka qalinjabisay jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho oo maanta shahaadooyin lagu guddoonsiiyay xaflad loogu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu isagoo guur guuranaya uu imaan jiray jaamacadda xilli ay adagtahay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho oo badanaa qaraxyo lagala kulmo waddooyinkeeda kalle duwan iyo amni darro.

Ardayga Ismaaciil oo bartay kuliyadda Banking and finance ee jaamacadda ayaa sidoo kalle noqday arday kuliyaddaasi ee gala kaalinta koowaad, waxaana isagoo guurguuranaya la guddoonsiiyay shahaadada jaamacadda.

Maamulka jaamacadda Simad ayaa dhanka kalle Ismaaciil ku abaal mariyay  inuu ka mid noqdo shaqaalaha jaamacadda.

Hoos kadhagayo isagoo dareenkiisa uga waramay radio Daljir, Maxamud Cabdi Ibrahim

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com