Kenya oo sheegtay inay dileen labo qof oo Alshabaab kenyan ah

Kenya oo sheegtay inay dileen labo qof oo Alshabaab kenyan ah

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in labo ka mid ah muwaaddiniinteeda ay Al-shabaab ku dileen Gobolka Shabeellaha hoose,kaddib markii sida ay Kenya sheegtay Raggaas looga shakiyay in ay u basaasayeen Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF.

Kenya waxaa ay sheegtay in dilka Xasan yuusuf iyo Maxamed Xasan oo ka soo jeeda Gobolka Marsabit lagu dilay degaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dilka ayaa dhacay 12kii Bishan sida ay sheegtay Dowladda Kenya,waxaana Raggaas la dilay ay Kenya ku sheegtay in AL-shabab ay ku eedeeyeen la shaqeynta Ciidanka Kenya.

Kenya waxaa kale oo ay sheegtay in in ka badan 20 Qof oo Kenyaan Al-shabaab ka mid ahaa ay dileen Al-shababab kaddib markii lagu eedeeyay in ay si hoose ula shaqeynayeen Ciidamada Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com