Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Nigeria kaga qayb galay Kulan muhiim ah (Sawiro)

HomeWararka

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Nigeria kaga qayb galay Kulan muhiim ah (Sawiro)

Waftiga uu hor kacayo guddoomiyaha Baaarlamaanka Puntland ee ku sugan dalka Nigeria ayaa kulamo muhim ah kula yeeshay xarunta Baarlamaanka dalkaasi xu

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa la kulmay guddoonka labada Aqal
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Xildhibaan Caano-nuug: “Madaxweyne Farmaajo innu soo dhaweeyo in khudbaddi sheekh shariif la kala jarro aadban uga xumahay”

Waftiga uu hor kacayo guddoomiyaha Baaarlamaanka Puntland ee ku sugan dalka Nigeria ayaa kulamo muhim ah kula yeeshay xarunta Baarlamaanka dalkaasi xubno ka kooban labada gole ee Baarlamaanka dalkaasi Nigeria ee magaceeda loosoo gaabiyo NASS (National Assembly) iyo Aqalka Sare (The Senate).

Ujeedada kulamadaan dhexmaray Baarlamaanka Puntland iyo Baarlamaanka Nigeria ayaa ahaa aqoon is weydaarsi maadaama labada waddan ee Soomaaliya iyo Nigeria ay yihiin labo waddan oo ku shaqeeya hannaanka Federaalismka.

Xog-hayaha guud ee Baarlamaanka Nigeria ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland uga warbixiyey sida ay u wada shaqeeyaan Baarlamaanka Qaranka Nigeria iyo Baarlamaanada maamullada gobollada dalkaasi, taas oo Puntland ay doonayso inay khibrad iyo waayo aragnimo xeeldheer ka dhaxasho.

Waftiga Puntland ayaa ka qayb galay kulanka Aqalka sare ee dalkaasi oo ay ka socotey dood adag oo ku saabsan Miisaaniyadda dalkaasi ayaa guddoomiyaha aqalka sare waxa uu madasha shirka kaga dhawaaqay in ay kulanka Baarlamaanka kasoo qayb galay waftiga ka socda Baarlamaanka Puntland ee Soomaaliyeed si loogu istaago loona soo dhoweeyo.

Sidoo kale waftiga Baarlamaanka Puntland ayaa waxay ka qayb galeen kulankii caadiga ahaa ee golaha shacabka dalkaasi oo isagana ay ka socotey dood ku saabsan hannaanka horumarinta waddoonyinka iyo garoomada dalkaasi, iyadoo isla markiiba kulanka hakad loo geliyey si loosoo dhoweeyey Waftiga Puntland

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: