Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Waddo Baydhabo kadhagax dhigay (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta dhagax dhigay Waddo 3-KM ah oo ka bilaabaneysa garoonka diyaaradaha Baydhabo, sidoo kalena ku eg madaxtooyada magaaladaasi.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee K/galbeed C/laahi Aadan Cali , oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadan ay gacan weyn ka geysanayaan wasaaradaha maaliyadda dowladda Federaalka iyo tan maamulkooda.

Wuxuu sheegay wasiirka in wadadan ay sidoo kale shaqo abuur u tahay dhallinyarada ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dowladda Federaalka oo gacan weyn ka geysatay arrintan, dhanka kalena shaqo abuur ayeey u tahay dhallinyarada Baydhabo ku sugan” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Shariif Sheekh Aadan ayaa dhismaha wadadan ku sheegay iney tahay mid muhiimad weyn leh, isaga oo tilmaamay in lasii wadi doono dib u dhiska.

“Cid walbo oo kaalin ka geystay dib u dhiska wadadan aad baan ugu mahadcelineynaa, dadweynaha reer K/galbeed gaar ahaan dhallinyarada shaqo abuurka loo sameynayo iney ka faa’ideystaan ayaan ugu baaqeynaa oo si wanaagsan u dhisaan” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sanadahan dambe laga dareemayaa dib u dhis ballaaran oo lagu sameynayo Xarumaha Muhiimka ah ee Magaaladaas.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com