Farmaajo oo maanta la kulmay Antonio gutters

Madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kusugan magaalada Addis-Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa la kulmay Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey Antonio gutters,iyagoo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya.

Antonio Gutters Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa amaanay guulaha Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay isbedelada dhinacyada amniga iyo maamulka,isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in la gaaro hiigsiga geedi socodka 2020 ee doorashada ka dhicii doonta Dalka.

Wuxuu sidoo kale balanqaaday in Qaramada Midoobey ay sii kordhin doonto taageeradeeda Soomaaliya,si dowladda Soomaaliya ay u hirgeliso adeegyada ay uga baahanyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay kuna amaanay Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo madax kaladuwan oo ku sugan madasha shirka magaalada Addis-Ababab ee caasimadda Dalka Itoobiya,halkaasi oo uu ka socoda shir madaxeedka hoggaamiyaasha Midowga Afrika.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com