Madaxweyne Gaas oo caawa la hadlay shacabka Puntland kana hadlay duullaanka Somaliland (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Madaxweyne Gaas oo caawa la hadlay shacabka Puntland kana hadlay duullaanka Somaliland (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay duulaankii Tukaraq ay shalay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Somaliland, ay

Md. Juxoow waa maxay CO-FEDERATION armay se la mid noqotaa labadii tijaabo ee hore ee SSDF iyo Federalism?
Heshiis DFS & DXF 2018: Heshiiska maamulka & wadaagga dakhliga kheyraadka dabiiciga ee dalka
Waa sidee dareenka qowmiyadda Oromada ee Bossaso kaddib rabshadihii Itoobiya ku dhexmaray Soomaalida iyo Oromada?

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay duulaankii Tukaraq ay shalay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Somaliland, ayna kula wareegeen.

Madaxwaynaha ayaa sheegay duulaankan inuu yahay mid lagu carqaladaynayo midnimada umadda Soomaaliyeed, xilli Puntland ay ku mashquulsanayd soodhoweyntaha Madaxweynaha Dowladda Feaderaalka ee Soomaaliya. Gaas waxa uu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto masuuliyadda wixii ka dhasha weerarkii ay ku soo qaaday Tukaraq.

“Puntland waxa ay ku mashquulsantahay ladagaalanka argagaxisada caalamiga ah iyo dib-u-dhiska dalka,” ayuu yiri Gaas. Dhanka kale, Gaas ayaa shacabka ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan difaaca Puntland, lana garabistaago ciidamada difaaca ee Puntland.

Hoos ka dhegayso lahadalkii Madaxweyne Gaas la hadlay dadka reer Puntland.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Jaamac Qabqable 6 years ago

    Boowe magaca iska sax waxaad meesha ku qortay madaxwaynaha dowlada federalka ah ee somaliland

DISQUS: