Madaxweyne Gaas oo caawa la hadlay shacabka Puntland kana hadlay duullaanka Somaliland (dhegayso)

Madaxweyne Gaas oo caawa la hadlay shacabka Puntland kana hadlay duullaanka Somaliland (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay duulaankii Tukaraq ay shalay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Somaliland, ayna kula wareegeen.

Madaxwaynaha ayaa sheegay duulaankan inuu yahay mid lagu carqaladaynayo midnimada umadda Soomaaliyeed, xilli Puntland ay ku mashquulsanayd soodhoweyntaha Madaxweynaha Dowladda Feaderaalka ee Soomaaliya. Gaas waxa uu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto masuuliyadda wixii ka dhasha weerarkii ay ku soo qaaday Tukaraq.

“Puntland waxa ay ku mashquulsantahay ladagaalanka argagaxisada caalamiga ah iyo dib-u-dhiska dalka,” ayuu yiri Gaas. Dhanka kale, Gaas ayaa shacabka ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan difaaca Puntland, lana garabistaago ciidamada difaaca ee Puntland.

Hoos ka dhegayso lahadalkii Madaxweyne Gaas la hadlay dadka reer Puntland.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Jaamac Qabqable 6 years ago

    Boowe magaca iska sax waxaad meesha ku qortay madaxwaynaha dowlada federalka ah ee somaliland

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com