Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay 2.7 $ Malyan oo loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la’aanta

HomeWararka

Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay 2.7 $ Malyan oo loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la’aanta

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta Saxiixay heshiis lacag gaaraysa Labo Milyan iyo Todobo B

Maraykanka oo Bamkii ugu Weynaa Dunida ku Weeraray Afgaanistaan (Sawiro)
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo duqeeyay Caasimadda Ukraine ee Kyiv
Guddoomiye Taabit oo Booqday Kantaroolada Ciidaamadda Dowladda ee Muqdisho (dhegayso)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta Saxiixay heshiis lacag gaaraysa Labo Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun ($2.7m) oo Doolaarka Maraykanka ah, taasoo wax looga qabanayo Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jirta Gobolada DalkaSoomaaliya.

Heshiiskani Dhaqaalaha xambaarsan waxaa bixinaya NGO-ga NRC oo kaashanaya Bangiga Aduunka, lacagtaaso ayaa waxaa looga gol leeyahay in wax looga qabto abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya iyo waliba Biyo la’aanta ka jirta, waxaana ka faaideysan doona marka la hirgaliyo Bulsho badan oo u baahan kaalmadaasi.

Saxiixa Wasiirka Maaliya iyo Madaxa Hey,adda N R C ayaa ku saleeystaa Nidaamkii balanqaadka horey u dhexmaray Wasarada Maaliya Soomaliya iyo hey,adda lacagata aduunka I M F-ta, waxa uuna la xariiray howlaha Maaliyadeed ee ay Wasaraddu ku guuleeysatay.
dda
Wasiirka Maaliya mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle waxa uu faah faahin ka bixiyay meelaha muddan in wax looga qabto Degaanada Maamul-goboleedyada dalka ka jira.

Madaxa hey,ada Barnabaa Asarg ayaa u mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac.

27 sano waa marki ugu horreysay ee Wasaarada Maaliyadda ay Maamusho Mashruuc loogu talagalay deegaanada Doowlad goboleedyada Dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: