Guddoomiye Taabit oo Booqday Kantaroolada Ciidaamadda Dowladda ee Muqdisho (dhegayso)

Guddoomiye Taabit oo Booqday Kantaroolada Ciidaamadda Dowladda ee Muqdisho (dhegayso)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed Waxa uu booqasho aan horay loosii shaacin ku tegay Koontoroolada ay ciidamada dowladda kaga sugan yihiin Wadooyinka laga soo galo Muqdisho.

Goobaha uu gudoomiye Taabit sigaar ah u tegay ayaa waxaa ka mid ah Koontoroolada Kaxda, Daaru Salaam, Xoosh, Siinka-dheer iyo Xarumo kale,waxana uu ciidanka u geeyay Casho iyo waxyaabo kale oo uu ku dhiiragelinayay.

Warbaahinta ayuu intaasi kadib la hadlay waxa uuna sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay in uu la qeybsado duruufaha adag oo ay ciidamdu ku shaqeynayaan sidaasna ay tahay Ciidamadu ay guulo aan la gaari Karin dalkaan ka soo hooyeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com