Maraykanka oo Bamkii ugu Weynaa Dunida ku Weeraray Afgaanistaan (Sawiro)

Maraykanka oo Bamkii ugu Weynaa Dunida ku Weeraray Afgaanistaan (Sawiro)

Milateriga Maraykanka ayaa caawa ku saldhigyo kooxda Daacish ku leedahay dalka Afghanistan bam la sheegay inuu yahay kii ugu weynaa caalamka.

Waaxda difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in bamkan oo loogu magaca daray Hooyada bambada (GBU-43/B MOAB) lagu weeraray gobolka Nangarhar.

Saraakiil maraykan ah ayaa sheegay in bamkan uu yahay kii ugu cuslaa ee abid la rido marka laga reebo bambooyinkii nuclerka ahaa ee lagu isticmaalay dagaalkii labaad ee dunida magaalooyinka Heroshima & Nagasaki ee dalla Jaban.

Bamkan oo culeyskiisu gaarayay 9,800-kg dhererkiisuna 9m ayaa lagu tuuray degmada Achin iyadoo saraakiil u hadashay ciidamada Maraykanka ay sheegeen inuu haleelay bartilmaameedkii loogu talo galay.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com