Soo wareejinta Maamulka Hawada, waa Qaranimada oo dib loo soo celiyay (FAALLO)

Soo wareejinta Maamulka Hawada, waa Qaranimada oo dib loo soo celiyay (FAALLO)

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa maqneyd muddo ku dhow 27 sano, taasi oo laga maamulayay Wadamada Deriska la ah Dalka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay dowladdu sheegtay inay la soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991-kii laga maamulayay Magaalada Nairobi, ayna gacanta ku heysay Hey’adda ICAO.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheynaysa dhawaan in la furo dugsiga tababarka maamulka iyo maareynta hawada, si loo diyaariyo aqoonyahanno iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay maamulka iyo maareynta hawada, kana hawlgala guud ahaan dalka, waxaa kaloo jira in Shirkadaha Duulimaadyada Caalamiga ah in ay dalka ka bilaabi doonaan duulimaadyadooda tooska ah, maadaama Soomaaliya ay buuxisay sharciyada duulimaadyada caalamiga ah.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya, isagoo xarigga ka jaray Xarunta iyo qalabka hawada lagu maamulayo, islmarkaana kormeeray shaqada ay hayaan khubarada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray maareynta duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya.

Hadal uu Munaasabadaasi ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn noo ah in aan dib u hanannay maamulka iyo gacan ku heynta hawadeenna. Waxay tani qeyb ka tahay dadaallada aan ugu jirno sidii aan dib ugu hanan laheyn dowladnimo dhammeystiran”, isagoo sidoo kale, tilmaamay in Dowladdu ay dardar gelinayso dadaallada Ilaalinta soohdimaha badda iyo xuduudaha barriga, taasina ay u baahan tahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada dowladda iyo shacabka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddii koobneyd ee dowladda shaqeynaysay ay ku guuleystay dib u soo celinta kalsoonida Beesha Caalamka ay ku qabaan Soomaaliya, taas oo dhabbaha u xaareysa waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka, isagoo in Wasaaraddu waddo qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo,sidaasi daraasaadna qorshe ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay Calamada Dowladaha, dhawaana ay si rasimi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

“Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah,hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline, Jabuuti,Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo,wuuna socda qorshahaasi”, ayuu yiri Wasiir oomaar.

Waxaa kale oo uu Wasiirku soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo garoonada Diyaaradaha ee ku yaala dhammaan Dalka,isagoo xusay in ay wadaan qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo Garoomada hadda jira, si duulimaadyo caalami ah ay u yimaadaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono adeegyada dhanka Gaadiidka, si loo ogaado gaadiidka habka ay u shaqeeyaan lana is waafajin doono, taasi oo uu ku sheegay in ay sahlayso ogaanshaha macluumaadka gaadiidka guud ahaan dalka, islamarkaana hadda ay ka bilowdeen Muqdisho iyo Koonfur Galbeed.

Haddaba waa guul u soo hoyatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed maadama lagu guuleystay in dib loo soo celiyo Maamulidda Hawada Soomaaliya oo gacanta Soomaalida ka maqnaa muddo 27 sano ah, islamarkaana ay haatanba gacanta ku hayaan Khubaro Soomaaliyeed oo ku xeeldheer kala hagidda Duulimaadyada Rayed ka ah, waxaana dhihi karnaa waa Qaranimada Soomaaliya oo dib loo soo celiyay, waxayna ka mid tahay waxyaabaha la taaban karo oo ay ku tilaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qallinka:- Qoraa sare C/laahi Ruush

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com