Madaxwaynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo isku raacay inay xoojiyaan ganacsiga labada dal

HomeWararka

Madaxwaynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo isku raacay inay xoojiyaan ganacsiga labada dal

Turkiga iyo Suudaan ayaa isku raacay inay sare usii qaadaan ganacsiga labada dhinac, iyadoo la aasaasayo gole  ay ku midaysanyihiin oo ka shaqeeya xoo

DAAWO BILICDA DHUL UDUG, QURUXDA XEEBAHA | BADDII, BUURIHII, BIYIHII MACAANAA (Diiran iyo Qabow ) IYO XOOLO DAAQEENKII OO ISA SAARAN! (SAWIRRO)
Ciidamo katirsan Puntland oo xirfadooda kor loogu qaadayo Garoowe (daawo)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Turkiga iyo Suudaan ayaa isku raacay inay sare usii qaadaan ganacsiga labada dhinac, iyadoo la aasaasayo gole  ay ku midaysanyihiin oo ka shaqeeya xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, arrinkan ayaa yimid kadib booqashada madaxwaynaha Turkiga Receb Tayyib Erdogan ee Khartuum.

Madaxwayne Erdogan ayaa gaaray magaalada Khartuum maalinadii Axadda ahayd, taasi oo qayb ka ah booqasho sadex maalin ah oo uu ku marayo dalalka Chad iyo Tunisa.

Kadib kulan uu la yeeshay dhigiisa Suudaan Omar Al-Bashir ayaa waxaa uu sheegay Erdogan labada dal inay muhiimadooda tahay, in kor loo sii qaado ganaciga, oo iminka dhexmara labada dal oo ah shan boqol oo milyan oo doolar, lana gaarsiiyo sanadkii 1 bilyan iyo in lasii gaarsiiyo ilaa 10bilyan oo doolar.

Waxaa uu ku dhiirigaliyay ganacstada inay maalgashi kusamaystaan dalka Suudaan, isagoona sheegay inuu jiro fursado dhaqaale oo labada dal ay ka wada faa’iidaysan karaan.

Wararka rasmiga ee wararka u faafisa Suudaan ayaa sheegtay in sidoo kale laga hadlay samayta koox ka shaqaysa istiraatiijiyadda labada dhinac inay ka wada hadlaan oo ay ka mid ay ka mid yihiin arrimaha caalamiga iyo militariga labada dal.

Waa booqashadii ugu horaysay ee madaxwayne Turki ah uu ku tago dalka Suudaan, tan iyo markii uu xornimada  qaatay sanadkii 1956.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: