Tunisiya oo Emirates Airlines ka mamnuucday dalkeeda, kadib xanibaad ay kusoo rogtay haweenka

Tunisiya oo Emirates Airlines ka mamnuucday dalkeeda, kadib xanibaad ay kusoo rogtay haweenka

Wasaaradda gaadiidka ee dowladda Tunisia ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso dhamaan duulimaadyada Emirates Airlines ee ay ka waday dalkaasi ku yaala Waqooyiga Afrika.

Go’aankan ayay dowladda qaadatay laba maalmood kadib markii shirkadda Emirates Airlines ay soo saartay go’aan ay ku mamnuucayso dumarka da’doodu ka yar tahay 30sano ee u dhashay dalkaasi inay diyaaradda raacaan.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tunsia Salem Saibi oo ah safiirka dowladda Tunisiya ee Imaaraardka Carabta ayaa looga yeeray wasaaradda arimaha dibadda, isagoona lasiiyay talaabooyin lagu mamnuucayo dumarka Tunisia ee Transitka ah iyo kuwa duulayaba aan loo ogolaanayn dalka diyaaradda inay raacaan Emirates Airlines .

Safiirka ayaa loo sheegay inuu go’aankan yahay mid kumeel gaar ah oo arrimo amni kusaabsan.

Wasiirka arimaha dibadda ee UAE ayaa sheegay inuu u sheegay wakaalahooda Tunisa inay tilaabadaasi ay u qaadeen arrimo ammaan, ayna tahay mid lagama maan noqotay, ayna xushmad u hayaan haweenka Tuniisiya.

Warbaahinta Tunisa ayaa sheegtay qaar ka mid ah haweenka dalkaasi oo doonayay inay dalkooda kusoo laabtaan iyo kuwa dibadda ka yimid oo transit ahaa inay saamaysay go’aankan ay qaadatay

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com