Jubaland oo wafdi u dirtay xiisadda Beledxaawo

Jubaland oo wafdi u dirtay xiisadda Beledxaawo

Wasiirka arimaha gudaha ee Jubaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubaland.

Wafdiga ayaa u kuurgalaya xaaladda magaalada Beledxaawo iyo kulamo ay la yeelanayaan bulshada deegaanka oo kusaabsan arimaha ammaanka iyo xiisadda ka dhalatay burburin ay dowladda Kenya ay ku bilowday guryo dhaca xadka labada dal Soomaaliya iyo Kenya ee Beledxaawo.

Ciidamada Kenya ayaa burburiyay guryaha iyagoo sheegaya inay darbi ka dhisayaan oo ay xuduud xiranayso dowladda Kenya.

Masuuliyiinta ayaa u gudbi doona dhanka Mandhera iyadoona arrinta xiisaddan ay sababtay dibadbaxyo rabshado wata oo ay sameeyaan bulshada degmada Beledxaawo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com