Golaha Wasiirada Jubbaland oo meel mariyay sharciga dhismaha Golaha Adeega Garsoorka

HomeWararka

Golaha Wasiirada Jubbaland oo meel mariyay sharciga dhismaha Golaha Adeega Garsoorka

Shirka caadiga ah ee golaha Wasiirada oo uu maanta shir gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan iyadoo golahu

Abaaro xoogan oo wali lagasoo sheegayo gobalka bari degaano katirsan (dhegayso)
Shir lagu nabadeynayo beelo walaalo oo ka furmaya Qardho
Maamulka Dhuusamareeb oo soo saaray amaro quseeya bilicda magaalada

Shirka caadiga ah ee golaha Wasiirada oo uu maanta shir gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan iyadoo golahu uu meel mariyay sharciga adeega garsoorka oo in mudo ah la sugayay.

Wasaarada Cadaalada Dastuurka iyo Arimaha diinta ayaa lagu booriyay in ay dadajiso dhismaha golahan oo udub dhexaad u ah hananka Cadaalada Jubbaland.

Waxaa kale oo golahu uu warbixino ka dhagaystay Wasaaradaha Beeraha iyo Caafimadka kuwaas oo ka warbixiyay Shaqooyinka Wasaaradaha iyo hananka ay hawlahoodu u socdaan.

Golahu wuxuu ku dheeraday oo si qoto dheer uu uga hadlay sidii loo beekhamin lahaa dakhliga Dowlada isla markana meelaha qaar canshuur kordhin loogu samayn lahaa.

Golahu wuxuu meel mariyay hindisaha Wasaarada maaliyada ee hananka kordhinta dakhliga iyo dhismaha qorshe dhamaystiran oo lagu dardar galinayo hananka canshuur bixinta Jubbaland oo dhan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: