Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Bada Puntland:” Dekeda Bosaaso si dhaqso ah ayay ku dhismaysaa kii kanixilahaa iyo kii ku farxi lahaaba” (dhegayso)

HomeWararka

Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Bada Puntland:” Dekeda Bosaaso si dhaqso ah ayay ku dhismaysaa kii kanixilahaa iyo kii ku farxi lahaaba” (dhegayso)

Wasiirka Wasaarad dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland Siciid Maxamed Raage oo maanta Waraysi gaar ah siiyay Radio daljir ayaa ku eedeeyay Wakiilada

ABSHIR SAALAX | ODAY DHAQMEEDKA GEESALEY
Guddoomiyaha Daladda Mucaraadka oo ka horyimid wakhti kordhinta Barlamaanka
Guddiga doorashooyinka Puntland oo guddoon doortay

Wasiirka Wasaarad dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland Siciid Maxamed Raage oo maanta Waraysi gaar ah siiyay Radio daljir ayaa ku eedeeyay Wakiilada doonyaha ku soo xirta dekeda Bosaaso in ay mas,uul kayihiin in dooyihii siday badeecadaha kala duwan ay ku soo xirtaan dekeda Bosaaso.

Wasiirka ayaa sheegay sidookale in wasaarada dekedaha ee Puntland iyo Shirkada P&O midina aysan doonyaha ka saarin gudaha dekeada ,balse Wakiilada doonyuhu ay ku amreen kabtanka in uusan alaabata dajin

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan wasaardu ay shaacin doonto tartankii shirkadihii ka qaybqaadanlahaa dhismaha dekeda Bosaaso , dekeduna ay lamidnoqon doonto dekedaha kale.

Ganacsatada ayuu ku eedeeyay wasiirka in ay qiimaha ku kordhinayaan shacabka iyadoo aysan wasaardu wax qiimo kordhin ah aysan samaynin .

Ganacsatada qaarkood ayaa maanta xiray goobahooda ganacsi ,mana aysan sheegin sababta ay uxireen.

Amaanka magaalada Bosaaso ayaa aad loo adkeeyay , waxaana wado kasta taagan ciidamada Amniga kuwaas oo udiyaarsan in ay ka hortagaan falkasta oo Amaanka lidi ku ah.

Hadaba Wasiirka waxaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wariye Xasan Heykal oo ugu horeen Waydiiyay qaabka ay usocoto dekeda iyo waxa sababay in doonyihii kuxirnaa dekeda laga saaro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: