Duqeyn cirka ah oo lagu dilay Sarkaal Katirsana Kooxda Daacish

Duqeyn cirka ah oo lagu dilay Sarkaal Katirsana Kooxda Daacish

Waxaa la xaqiijiyay in duqeyn cirka ah lagu dilay Isniintii lasoo dhaafay sarkaal ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya meel 70km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Eng Yariisow) ayaa bartiisa Twitterka kaga hadlay weerarkaas,wuxuuna sheegay in Taliye sare oo kamid ah ISIS lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay tuulada Bohoole oo qiyaastii 70km u jirta Boosaaso.

Wasiirku ma uusan sheegin magaca sarkaalka weerarka lagu dilay hase yeeshee waxa uu xusay in dolwadda Federaalka war faahfaahsan kasoo saari doonto weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inay duqeyn la beegsadeen xubno kamid ah kooxda ISIS ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Calmiskaad ee bariga gobolka Bari ee Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com