Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad: “Dagaalku waa Tusaale Nidaamka Barakicinta ee Galmudug Hadda Gaalkacyo ka Biloowday” (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad: “Dagaalku waa Tusaale Nidaamka Barakicinta ee Galmudug Hadda Gaalkacyo ka Biloowday” (dhegayso)

Nabadoon Yaasin Cabdisamad oo kamid ah nabadoonada Gobolka Mudug ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay dagaalkii Khamiista ee magala

Turkiga: “Saraakishi qorsheyeey falka Khashoggi lagu dilay annagaa maxkamadaynayna” (Daawo)
MARTISOOR: TAARIIKHDA NABADEYNTA GAALKACYO & SHIRQOOLKII BEESHA CAALAMKU LA BEEGSATAY CABDULLAAHI YUSUF YEY (daawo)
Berri & Baraha Bulshada (3B): Maanta Yaan Dowladnimo Rabin?

Nabadoon Yaasin Cabdisamad oo kamid ah nabadoonada Gobolka Mudug ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay dagaalkii Khamiista ee magalaada Gaalkacyo. Dagaalka ayaa dhashay kaddib markii Galmudug ay diiday in mulkiilaha dhisme ku dhow dhismaha Hormuud la dhiso ama la ijaaro. Galmudug ayaa mulkiilaha dhismaha horay uga dalbatay canshuurta dhismaha, mulkiiluhuna waa uu ku gacansayray maamulka Galmudug asaga oo yiri, “dhismahayga maamulka Puntland baa canshuura.”

Dhismaha oo uu leeyahay nin reer Puntland ah ayaa Nabadoonku tusaale u soo qaatay in ay qayb ka tahay nidaamka jajuubka ah ee Galmudug ay rabto in ay dadka deegaanka ku barakiciso. Nabadoonka ayaa sidoo kale ku tilmaamay waanwaan uu ka sharqamiyey Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Yaasiin Axmed Tumay, wax aan qiime u laheyn dadka deegaanka, oo uu kali ku yahay, cid uu kala tashadeyna aysan jirin.

Shaafici Cabdulqaadir oo ku sugan Daljir Gaalkacyo ayaa waraysatay Nabadoonka.

Hoos ka dhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: