Xisbiga Wadani: “Doorasho xor iyo xalaal ah kama dhicin Somaliland” (dhegayso)

HomeWararka

Xisbiga Wadani: “Doorasho xor iyo xalaal ah kama dhicin Somaliland” (dhegayso)

Guddoomiyeyaasha xisbiga Wadani ee Somaliland ayaa eedeeyey guddiga doorashooyinka ee Somaliland, iyagoona ku dhaliilay warqado been abuur ah oo lagu

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso/daawo)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 46aad
“Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda”

Guddoomiyeyaasha xisbiga Wadani ee Somaliland ayaa eedeeyey guddiga doorashooyinka ee Somaliland, iyagoona ku dhaliilay warqado been abuur ah oo lagu codeeyey iyo cabashooyin xisbigooda ay u gudbiyeen oo ay wax ka qaban waayeen.

Shirjara’id oo ay ku qabteen magaalada  Hargaysa ayay ku sheegeen doorashooyinka inay yihiin kuwa xasaasi ah oo haddii cabashada aan si degdeg ah wax looga qaban ay keeni karto kalsooni darro.

Waxaa ay sheegeen in sidoo kale guddiga wax fahfaahin ah ay ka siinin sida shaqooyinka ay u socdaan, sidoo kalena ay doorashadu ka baxday xayndaabkii doorasho xor iyo xalaalnimo ah.

Guddiga ayaa sidoo kale saxaafadda usoo bandhigay waraaqo ay sheegeen inay yihiin buugaag ay xisbiga Kulmiye ee talada haya ay soo saareen oo ku jiray sanaadiiqda codka lagu dhiibanayay.

Hoos kadhegayso guddiga hadaladoodii

 

Hadalka wakiilada xisbiga Wadani ee doorashooyinka Somaliland ayaa imaanaya iyadoo wali aan lagu dhawaaqin natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii Isniintii lasoo dhaafay kadhacday deegaamada Somaliland.

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: