“Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda”

“Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda”

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in guddigu uu ku shaqeynayo hanaan waafaqsan habraacii ay soo saareen madatasha wadatashiga qaranka, iyadoo aysan jirin habraac kale oo siyaasi, maamul ama masuul siyaasadeed soo saaray oo lagu dhaqayo doorashada, hanaankaas oo ay si wada jir ah u saxiixeen madaxweynayaasha maamullada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’iisuulwasaaraha Soomaaliya.

Doorashada oo wakhtiyo kala duwan dib u dhac ku yimid, ayaa wakhtiga kama danbaysta ah ee guddigu u asteeyey in lagu soo gebagebeeyo ay tahay 24 Disembar, 2021.
“Haddaba guddiga oo ilaalinaya hufnaanta iyo shuruucda doorashada, waxaan siyaasiyiinta iyo cid kastoo danaynaysa doorashada u sheegaynaa in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu dib u eegi doono guddigu, doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga xulista ergada iyo ergada wax dooranaysa uu noqon doono mid dhab ah loo baadho, go’aan ku haboonna laga gaarayo ayaa lagu yiri” Guddiga doorashooyinka.

Sidoo kale gudsigu waxaa ay sheegeen si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda uu farayo guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed in ay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda.

” Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda. Sidaadarteed, wuxuu guddigu ku samaynayaa baaritaanno dhammaan cabashooyinka. Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in wax kastoo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin.

Waxaa ay ugu baaqeen tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada in ay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada, iyadoo ay dhisan yihiin guddiyaddii loogu tala galay in ay wax ka qabtaan.

” Guddiyada doorashooyinka maamulaya waa guddiyo ka madax-bannaan siyaasadda iyo fara-gelinta siyaasi. Sidaa awgeed, waxaan faraynaa dhammaan guddiyada in ay waajibaadkooda u gutaan si madax-bannaan oo caddaalad ah. Waxaa kale oo aan madaxda Qaranka ku boorinaynaa in ay u madax baneeyaan hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin, sida amniga iyo taakulaynta saad.

Ugu danbayn waxaay ummadda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqeen in ay guddiyada ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda, si ka madax banaan fara gelinta siyaasadda iyo in ay shaqadooda u gutaan si hufan. Si doorashada golaha shacabku ugu dhammaato wakhtigii loogu tala galay, iyadoo marxaladdaan looga gudbi karo in doorashadu wakhtigeeda ku dhammaato, lana soo dhiso baarlamaanka 11.

Warkaan kasoo baxay Gudiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa kusoo beegmaya xilli cabasho farabadan laga keenay habka ay u socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com