Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan mowshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeynaya ku tagri fal awoodeed iyo khaladaad ka dhex jira guddiyada baarlamaanka ee dowladda, waxaana xildhibaanada qaar ay sidoo kale ku eedaynayaan habka loo soo xulay shaqaale dhan 360-shaqaalle oo u shaqeeya baarlamaanka kuwaasi oo mushaarka ay qaataan laga jaro golaha baarlamaanka.

Inka badan konton xubnood ayaa gudbiyay kalfadhiga hadda socda mowshinka guddoomiyaha in lagu darro , arrintaasi oo abuurtay shaqooyinkii baarlamaanka inuu hakad galo.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ku guulaystay doorasho sanadkii 2012kii dhacday, waxaana uu mar labaad uu ku guulaystay isla xilkaasi 2016kii.

 

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *