Xisbiga Wadani: “Doorasho xor iyo xalaal ah kama dhicin Somaliland” (dhegayso)

Guddoomiyeyaasha xisbiga Wadani ee Somaliland ayaa eedeeyey guddiga doorashooyinka ee Somaliland, iyagoona ku dhaliilay warqado been abuur ah oo lagu codeeyey iyo cabashooyin xisbigooda ay u gudbiyeen oo ay wax ka qaban waayeen.

Shirjara’id oo ay ku qabteen magaalada  Hargaysa ayay ku sheegeen doorashooyinka inay yihiin kuwa xasaasi ah oo haddii cabashada aan si degdeg ah wax looga qaban ay keeni karto kalsooni darro.

Waxaa ay sheegeen in sidoo kale guddiga wax fahfaahin ah ay ka siinin sida shaqooyinka ay u socdaan, sidoo kalena ay doorashadu ka baxday xayndaabkii doorasho xor iyo xalaalnimo ah.

Guddiga ayaa sidoo kale saxaafadda usoo bandhigay waraaqo ay sheegeen inay yihiin buugaag ay xisbiga Kulmiye ee talada haya ay soo saareen oo ku jiray sanaadiiqda codka lagu dhiibanayay.

Hoos kadhegayso guddiga hadaladoodii

 

Hadalka wakiilada xisbiga Wadani ee doorashooyinka Somaliland ayaa imaanaya iyadoo wali aan lagu dhawaaqin natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii Isniintii lasoo dhaafay kadhacday deegaamada Somaliland.

 

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Xisbiga Wadani: “Doorasho xor iyo xalaal ah kama dhicin Somaliland” (dhegayso)”

  1. waaa xaqiiq wllhi doorasho may dhicin

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com