Madaxweyne Farmaajo oo si Kulul uga hadlay Qaraxii Naasahablood 2

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo si Kulul uga hadlay Qaraxii Naasahablood 2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii ar

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso/daawo)
Soomaaliland oo fasaxday Shaqaalaheeda
Xaalada Buulo-Burde oo degan iyo wasiirka arimaha gudaha Hir-shabeele oo ku wajahan (daawo)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ahaa ee lala beegsaday Hoteel Naasohablood.

Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday weerarkaas arxan darrada ah.

“ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0