Alshabaab oo Xalay Weraaray Kantaroolka Boosaaso iyo Khasaare Kadhashay

HomeWararka

Alshabaab oo Xalay Weraaray Kantaroolka Boosaaso iyo Khasaare Kadhashay

Kantaroolka Boosaaso xalay waxaa weraar xoogan ku qaaday kooxo hubaysan oo loo malaynayo inay katirsanyihiin ururka Alshabaab ,kuwaaas oo saacado koob

Wakiilka Puntland ee Swedan oo Daljir uga Waramay Waxqabadkiisa iyo Mashaaricda Puntland laga fulin doono (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Guddiga sharciga doorashooyinka oo Garoowe soo gaaray

Kantaroolka Boosaaso xalay waxaa weraar xoogan ku qaaday kooxo hubaysan oo loo malaynayo inay katirsanyihiin ururka Alshabaab ,kuwaaas oo saacado kooban la wareegay gacan ku haynta kantaroolka laga galo Boosaaso.

Dagaal kooban oo dhexmaray ciidamadda Kantaroolka Bosaaso iyo Kooxda weraarka soo qaaday ayaa la sheegay in uu khasaare kadhashay .walo an la ogayn khasaaraha dhimasho iyo midka dhawaac ee kadhashay intuu gaarsisanyahay.

Ciidamada Puntland ayaa mar dambe dib ula wareegay kantaroolka Boosaaso ,waxaana hadda si rasmi ah gacanta ugu haya ciidamadda kantaroolka ,iyado kooxihii weraarka qaaday ay isaga baxeen goobta,

wali majirto masuul Puntland katirsan oo ka hadlay weraarka xalay lagu qaaday kantaroolka Bosaaso ,balse waxaa la filayaa saacadaha soo socda inay ka hadlaan wasaaradaha amniga iyo Taliska Kantaroolka Boosaaso.

Waraysiyo Warar kale oo dheeri ah kalasoco daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: