Somaliland oo Hargeysa ka Dajisay Qalabki Codbixinta

Somaliland oo Hargeysa ka Dajisay Qalabki Codbixinta

Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland waxaa maanta laga dejiyay qalabka codbixinta doorashada 13ka Bisha soo socota ka dhaceysa Maamulka Somaliland.

Labo Diyaaradood oo waday qalabka codbixinta sida sanaadiiqda,warqaadaha,Qadda suuul saarka iyo xarggaha lagu xiro Sanaadiiqda ayaa laga dejiyay Magaalada waxaana Maamulka Somaliland isu diyaarinayaan doorashada madaxtinimada Somaliland.

Labo xubnood oo ka tirsan Guddiga doorashada Somaliland oo kala ah Siciid Cali Muuse iyo C/Raxmaan Cismaan Aadan ayaa qalabkan diyaarado uga keenay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Siciid Cali Muuse oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegay in sameynta iyo diyaarinta qalabkan ay ku tartan siiyeen 12 Sharikadood oo laga leeyahay Imaaraadka islamarkaana mid ka mid ah ay ku guuleystay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com