Guddiga sharciga doorashooyinka oo Garoowe soo gaaray

HomeWararka

Guddiga sharciga doorashooyinka oo Garoowe soo gaaray

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa soo gaaray magaaladda Garoowe ee caasimadda dowladda Puntlan

Warka Caweysin, Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi (Dhegayso)
Maxaa dhalinyarada ku qasaba inay sameeyaan meherka masaafada? ( dhagayso )

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa soo gaaray magaaladda Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Guddiga waxaa garoonka diyaaraha magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay habdhowraha golaha shacab xildhibaan Maxamed Xasan Nuux iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha wakiiladda Dowlada Puntland.

Ujeedkooda safarkooda ay ku gaareen magaaladda Garoowe ayaa ah sidii ay wadatashiyo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ula yeelan la haayeen mas’uuliyiinta Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland.

Safarkaan ayaa noqonaayo kii labaad oo ay guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ku tagaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: