Somaali lagu eedeyey Dilka nin Kale oo Somaali ah oo Lagu Maxkamadeyey Dalka Canadda

HomeWararka

Somaali lagu eedeyey Dilka nin Kale oo Somaali ah oo Lagu Maxkamadeyey Dalka Canadda

C/risaaq Yabarow oo 37-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Toronto ee Gobalka Ontario ee dalkaasi, kadib, markii lagu soo

Maxay tahay shaqada wasaaradda xanaanda xoolaha Puntland haddiiba xarumo caafimaad jirin (daawo)
Madaxweynaha Puntland oo qaabilay saraakil kasocota Itoobiya
Ciidanka Dowladda iyo Alshabaab oo ku Dagaalamay Degmada Baardheere (dhegayso)

C/risaaq Yabarow oo 37-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Toronto ee Gobalka Ontario ee dalkaasi, kadib, markii lagu soo oogay inuu dilay Marxuum la oran jirey C/naasir Xuseen oo 42-jir ahaa.

Boliska waxay Eedeysanaha ku soo oogeen Dembiga Dilka Heerka 2-aad, isagoo loo haysto inuu dilay Marxuumkaasi oo maydkiisa Arbacadii hore laga helay dhismo ku yaalla Degmadda Rekisdal oo ka tirsan magaalladda Toronto ee dalkaasi.

Qoaal-dacwadeed ay Baarayaasha diyaariyeen ayey ku sheegeen inuu dilkaasi ku salaysnaa muran u dhexeeyey Gacan-ku-dhiiglaha iyo Marxuumka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dembi-baarayaasha faahfaahin kama bixinin qaabka loo dilay Marxumka, iyadoo maydka Marxuumka haatan ay baaritaan ku hayaan Dhakhaatiirta ku takhasustay baaritaanka sababaha ay u geeriyoodeen dadka la dilay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: