Maxay tahay shaqada wasaaradda xanaanda xoolaha Puntland haddiiba xarumo caafimaad jirin (daawo)

Maxay tahay shaqada wasaaradda xanaanda xoolaha Puntland haddiiba xarumo caafimaad jirin (daawo)

Dhowaan magaalada Bosaso neef ri’ ah oo dhali waysay ayaa loo wacay wasaaradda xanaanada xoolaha Puntalnd si’ ay wax uga qabato, balse hooyadii dhaqanaysay ayaa loogu jawaabay inay jirin daawo iyo qalab midna oo wax looga qaban karro ri’da oo xiligaasi kaliya u baahnayd in si nabad gelyo loo dhaliyo.

Haddaba waraysigaasi waxaa uu ka baahay warbaahinta Daljir oo u adeegta deegaanka, xoolaha iyo dadkeena kuwooda jilicsan.

Dr Cabdulaahi Sulaymaan oo barre ka ah kuliyadda xanaanda xoolaha ee jaamacadda Bariga Afrika ayaan hordhignay sida Puntland ay uga gaabisay adeeggii xoolaha oo dhaqaalihii dalka laf dhabarta u ahaa.

 

Heykal ayaa ku waraystay xarunteena Bosaso.

Maxay tahay shaqada wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland, haddii aanu jirin qalab iyo isbitaal ay ku daryeelaan xoolaha nool ee la dhaqdo?Xoolaha oo laf dhabar u ah dhaqaalaha wadanka Soomaaliya, haddana majirto qorshe ay dowladda Puntland ka yeelatay sidii loo horumarin lahaa caafimaadkooda, waxna looga qaban lahaa dhibaaatooyinka soo wajaha, mana jirto goob lagu daweeyo, marka laga yimaado talaal ay hay'daha caalamiga bixiyaan oo madaxdii soo martay wasaaraddan muhiimka u ah bulshada reer Puntland ay isku sawirto, iyadoo muujinaysa inay wax qabad yihiin.Dr Cabdulaahi Sulaymaan waa barre kuliyadda xanaanada xoolaha ka dhiga jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Bosaso, waxaa uu ka hadlayaa sida looga baahanyahay wasaaradda isbadal iyo shaqo ee aanu noqon mid magac mushaar lagu qaato kaliya iska wadata.Hoos kadaawo waraysigan oo uu xarunta Daljir ee Bosaso, kula yeeshay Xassan Heykal.

Posted by Radio Daljir on Thursday, April 25, 2019

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com