Itoobiya oo ku eedaysay Somaliland barakicinta Oramada

HomeWararka

Itoobiya oo ku eedaysay Somaliland barakicinta Oramada

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeeysay xukuumadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland inay barakicin ku hayso qowmiyadda Oramada ee dalka

Iran oo xayiraad dhanka kubadda cagta ah lagu soo rogay
Qardho oo sagootisay ciidanka beelweynta Siwaaqroon oo ku wajahan Laascaanood
Tigey oo Iska Casilay Xilkii Gudiga Taakulaynta Ciidamada Qaranka

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeeysay xukuumadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland inay barakicin ku hayso qowmiyadda Oramada ee dalka Itoobiya ee ku sugan magaalooyinka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Dr Ngeri Lendho oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Addisaba ayaa sheegay barakacinta Oromada ee ay waddo Somaliland inuu yahay mid sharci darro ah, isagoona xusay sadex kun oo Oromo ah in laga barakaciyay Hargaysa iyo magaalooyinka kalle ee Somaliland.

Dhanka kalle wasiirka arimaha dibadda Somaliland oo arrimahan wax laga waydiiyay gaar ahaana eedaha loo soo jeediyay ayaa sheegay inay baarayaan, kadibna ay jawaab ka bixin doonaan.

Ilaa sadex qof oo Oromo oo bishaan gudaheeda lagu dilay magaalada Hargaysa ayaa lala xiriirnayaa rabashadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay baaritaan ku waddo sababaha rabashadaha dhaliyay ayna dib kasoo sheegi doonaan marka baaritaanka uu soo dhamaado.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: