RW Xasan Cali Khayre oo Newyork Kula Kulmay Madax kala Duwan

HomeWararka

RW Xasan Cali Khayre oo Newyork Kula Kulmay Madax kala Duwan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo kusugan magaalada Newyork ee Mareykanka ayaa weli kulamo gooni gooni ah lale

Saraakisha Ciidamada DANAB oo sheegay inay la wareegeen degaano dhowr ah
Ra’iisul Wasaare Khayre oo sagootiyay ciidamo dhammeystay tababar loogu diyaarinayay howl-gallada Argagaxisada lagu baacsanayo
Garoowe: Shirkii Mucaradka Puntland oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo kusugan magaalada Newyork ee Mareykanka ayaa weli kulamo gooni gooni ah laleh madax kaladuwan,wuxuu kulan gar ah la yeeshay madaxda wadamo dhoowr ah oo ay ka mid yihiim Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Ordogan, Madaxda Midowga Yurub, Dowlada Norwey, iyo Madaxkale oo aad u baddan.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka SONNA,Kulamadaan ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriiradda dawladahaas iyo Soomaaliya, iyadda oo siweyn loogu lafo guray kaalinta ugu haboon ee ay dowladahaasi kaga caawin karaan Soomaaliya dhinacyada Horumarka, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Maamul wanaaga.

Mudane Xassan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uga warbixiyay madaxddii uu la kulmay halka ay marayso xaaladda dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax weyn iska badaleen,isla markaana ay ka soo kabanayso dhibaatooyinka mudada jiray.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka warbixiyay dagaalka ay kula jiraan Kooxaha Nabad diidka iyo Qaswadayaasha, isagoo sheegay in dowladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinaca ammaanka isla markaana ay si dar dar leh ku wadaan dhismaha ciidanka Qranka Soomaaliyeed si loo helo awood muuqata oo hanata gebi ahaan amniga Dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: