Ra’iisul Wasaare Khayre oo sagootiyay ciidamo dhammeystay tababar loogu diyaarinayay howl-gallada Argagaxisada lagu baacsanayo

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo sagootiyay ciidamo dhammeystay tababar loogu diyaarinayay howl-gallada Argagaxisada lagu baacsanayo

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay k

Shir looga hadlayo Dhaqaalaha oo dhexmaray Masuuliyinta Wasarada dekadaha (Sawiro)
Saaka & Dunida iyo Cabdifatax Cumar Geeddi (dhegayso)
Wacaal daray ah: Madaxweynihii Hore ee Yeman Cali Cabdala Saalax oo la dilay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada argagaxisada la gula dagaalayo.

Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in argagaxisada ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.

Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya cirib tirka argagaxisada, ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.

Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga iyo boobka hantida ummadda Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: