Sayladda xoolaha ee Qardho oo mashquul laga dareemayo (sawiro)

Maalinta beri oo ku beegan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ayaa waxaa ay shacabka intooda awoodda ay sameeyaan gowrac xoolaha nool oo ka mid ah cibaadada maalmaha xajka dunida muslimka oo dhan.

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa siwayn laga dareemayaa sayladda xoolaha mashuul aad u wayn iyadoo dadku ay iibsanayaan xoolaha nool gaar ahaana ariga si loo gowraco maalinta koowaad ee Ciida.

Qiimaha ariga ayaa laga dareemayaa sare u kac, waxaana heerka koowaad uu yahay neefka afar jirka ah $75, halka heerka labaad iyo sadexaad uu u dhaxeeyo ilaa $65 iyo $70.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com