FIFA oo Soomaaliya Kubadda Cagta Ka Joojisey Muddo 7aad ah (Sababta)

HomeWararkaCiyaaraha

FIFA oo Soomaaliya Kubadda Cagta Ka Joojisey Muddo 7aad ah (Sababta)

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa shaaciyay in mudo Isbuuc ah ay joojiyeen Ciyaaraha Kubadda Cagta ,iyaga oo ubaroor diiqaya gudoomiyihii gu

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Mustafe Xuseen Yusuf (Dhegayso)
Saaka & Xubintii Cayaaraha iyo cRaxmaan Yamani
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa shaaciyay in mudo Isbuuc ah ay joojiyeen Ciyaaraha Kubadda Cagta ,iyaga oo ubaroor diiqaya gudoomiyihii guddiga Garsoorayaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo Habeenimadii Khamiista ay Jimco soo galeysay lagu dilay Muqdisho.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxaa lagu sheegay in Cismaan Jaamac Diraac,uu ahaa nin qaali ku ah xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta,islamarkaana aysan iloobi doonin.

“Waxa uu ahaa Saaxiib nagu weyn oo ahna walaal inta badan waqtigiisa geliyay horumarinta Ciyaaraha Soomaaliya, aad ayaan uga xunahay dilkiisa, todobada maalin waa wax kooban balse waligeen qalbigeena wuu ku jiri doonaa” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdi qani Siciid Carab.

AKHRISO QORAALKA FIFA

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0