Dagaal kadhacay Buuhoodle, 6-dhimasho iyo dhaawac

HomeWararka

Dagaal kadhacay Buuhoodle, 6-dhimasho iyo dhaawac

Dagaal gaystay khasaare kale duwan ayaa maanta gelinka dambe kadhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Wararka ayaa sheegaya dagaalka i

SOOMAALIYA WAXA KA DHACDAY DOORASHO CAJIIB AH OO TAARIIKHO REEBTAY IYO CASHARRO MUHIIM AH!
Golaha Siyaasada Beesha Leelkase oo Barlamaanka Puntland u gudbiyeey codsi
Muxuu salka ku hayaa khilaafka Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed?

Dagaal gaystay khasaare kale duwan ayaa maanta gelinka dambe kadhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Wararka ayaa sheegaya dagaalka inuu salka ku hayo aanooyin qabiil oo horay u taagnaa.

Dagaalka maanta ayaa waxaa ku geeriyooday lix qof, waxaana jira dad dhaawacyo ah oo la dhigay xarumaha caafimaadka.

Dadka dhintay waxaa ku jiray dad shacab ah oo rasaasta ay hoygooda ugu tagtay.

Waxaa durba soo baxaya baaqyo loogu jeedinayo dhinacyada dagaalamay oo ah inay xaaladda dejiyaan oo ay ku dhameeyaan waxa la kala tabanayo miiska wadahadalka.

Wixii kasoo kordho isha ku hay bogeena Daljir.com

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: