Prof. Maxamed Jaamac Salaad Takar oo Maanta Gaalkacyo lagu Aasay (dhegayso)

Prof. Maxamed Jaamac Salaad Takar oo Maanta Gaalkacyo lagu Aasay (dhegayso)

AU waxaa maanta magaalada Gaalkacyo “Aas Qaran” loogu sameyay Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo 8 Agosto ku geeryooday dalka Taliyaaniga.

Aaska marxuunka ayaa waxaa ka soo qaybgalay xildhibano ka tirsan DFS, Puntland, wasiiro, maamulka gobolka, kan Puntland iyo Galmudug, iyo Issimo ay ugu horreeyaan Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, iyo dhakaatiirka gobolka.

Taariikhda Marxuunka hoos ka daalaco iyo Marstisoor:

Martisoor: Prof. Maxamed Jaamac Salaad Takar (1944 – 8 Agosto ’17) iyo Waayihii Nolosha (dhegayso)

http://allbanaadir.net/news.php?readmore=7934

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Meydka marxuumka inta aan la keenin Galkacyo waxaa laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kaga hortagay, ma’suuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowlada Somalia, dhaqaatiir, siyaasiyiin iyo xubno kale oo fara badan.

    Xubnaha meydka marxuumka kaga hortegay garoonka Aadan cadde, kuna tukaday salaaddii janaasada waxaa ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka Somalia, Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur, Senator Prof. Cusmaan Max’uud Dufle, Senator Prof. C/risaaq Jurille, Senator Muuse Suudi Yalaxow, Senator Shukri Aadan Camey, Senator Faadumo Xasan, Senator Saciido Karwal, Marwo Xaawo oo ah Marwadii madaxweynihii geeriyooday ee Somalia marxuum C/llaahi Yuusuf, agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka C/llaahi Xaashi, Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, danjiraha Somalia u fadhiya Algeria Sh. C/wahaab Macalin Muxumed, Siyaasiyiin uu ka mid ahaa Jen. Maxamed Saciid Xirsi (Morgan), Prof. Sabtiye, Marwo Safiya C/llaahi, iyo xubno kale, iyadoo meydka marxuumka loo duuliyey magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu aasayo isla maanta.

    Hoosta ka eeg sawirada :

    Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
    Muqdisho Somalia
    [email protected]

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com