Golaha Siyaasada Beesha Leelkase oo Barlamaanka Puntland u gudbiyeey codsi

Golaha Siyaasada Beesha Leelkase oo Barlamaanka Puntland u gudbiyeey codsi

Garoowe: Golaha Siyaasada Beesha Leelkase oo ka kooban, Siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano iyo Aqoonyahano 21 xubnood ah ayaa maanta Baarlamaanka Puntland u gudbiyey codsi ay ku saxiixan yihiin 7,000 (Todoba kun ) oo muwaadin, codsigan ayaa muwaadiniinta saxiixay waxay baarlamaanka kaga dalbadeen in la furo Dastuurka Puntland Islamarkaana la kordhiyo metelaada beeshani ku leedahay Baarlamaanka Puntand oo mudo badan ay saluug ka qabeen.
Codsigan ayaa laga soosaxiixay muwaadiniin kala jooga gobolada Puntland waxaana ku lifaaqa magacyada iyo Teleefanada dadka saxiixay.

Beesha Leelkase oo kamid ah beelaha dega Puntland ayaa marar badan oo hore codsatay in wax laga bedelo tirada baarlamaanka Puntland ee dastuurku qeexay. iyagoo sheegay in metelaad u qalanta dhanka tirada kuraasta aysan beeshu ku lahayn baarlamaanka Puntland.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com