Muxuu salka ku hayaa khilaafka Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed?

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hargar Dabageed kaasoo saameyn ku yeeshay doorashadii Aqalka Sare ee ka socotay Magaalada Jowhar.

Khilaafka ayaa ka dhashay markii Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle uu dalbaday in si gaar ah loogu xiro kursi ka mid ah kuwo Aqalka Sare mid ka mid ah musharaxiintii uu watay haddii kale in aysan dhici doonin doorashada kursigaasi.

Labada Masuul ayaa khilaafkooda waxaa uu keenay in ay hakato doorashada socotay, waxaana hadda ku howlan sidii arintaasi dib loogu bilaabi lahaa gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

18-kii bishaan Doorashadii Aqalka Sare ee ka socotay magaalada Jowhar ayaa lagu kala tagay markii buuq iyo gacan-qaad ka dhacay hoolka doorashada.

Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa buuqa iyo gacan-qaadka bilaabay xili ay dhamaatay cod tirinta wareegga koowaad ee doorashada kursiga lixaad Aqalka Sare oo ay ku tartamayeen 5 musharax oo beesha Madaxweyne ku xigeenka ka soo jeeda oo mid ka mid ah tanaasulay.

Falkaasi waxaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen xildhibaano taageersan madaxweyne ku xigeenka markii ay dareemeen in musharaxooda laga guuleysan rabo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com