Diyaarad Qaade Dagaal USS George H.W. Bush oo Dekedda Haayfa, Israaiil ku soo Xirtay

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Diyaarad Qaade Dagaal USS George H.W. Bush oo Dekedda Haayfa, Israaiil ku soo Xirtay

Jasiirad dhaqaaqaysa dheh! Waa markabka dagaalka ahna diyaarad qaadaha adduunka ugu weyn USS George H.W. Bush oo maanta ku soo xirtay dekedda Haayfa,

Sidee ku Biloowday Khilaafka Xudduudda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya?
Wareysi Danjire Ciid Baddel iyo doorashooyinka Jubaland (dhegayso)
Sahra Noor: Daryeelka hooyada, dhallaanka iyo caafimaadka guud (dhegayso)

Jasiirad dhaqaaqaysa dheh! Waa markabka dagaalka ahna diyaarad qaadaha adduunka ugu weyn USS George H.W. Bush oo maanta ku soo xirtay dekedda Haayfa, Israaiil. Markabku wuxuu qayb ka yahay dagaalka Maraykanku kula jiro Daacish ee ka socda Ciraaq iyo Suuriya.

Diyaarad qaadaha waxaa loogu magacdaray madaxweynihii 41aad ee Maraykanka, George HW Bush.

Qiimaha lagu dhisay markabka waa $4.5 bilyan, waxaana la qiyaasayaa in uu hawlgalayo 50 ka sano ee soo socda. Markabku wuxuu ku shaqeeyaa 2 matoor oo aaladda nukliyeerka ah, taas oo ka dhiganta in uu shiraacan karo asaga oo aan wax awood kale u baahan 20 ka sano oo soo socda.

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: