Madaxweyne Farmaajo oo Sucuudiga ka Diidey $80 Million oo Xiriirjar Qadar

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo Sucuudiga ka Diidey $80 Million oo Xiriirjar Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidey aduun lacageed oo gaaraya $80 Million oo dollar oo dowl

Shirka Cafinta Daymaha iyo Taageerada Soomaaliya oo kusoo dhamaaday Washington
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Wasiir Jaamac Faarax oo la kulmay xulaalka kubadda Cagta Puntland (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidey aduun lacageed oo gaaraya $80 Million oo dollar oo dowladda Sucuudigu u soo bandhigtay Dawladda Soomaaliya, si ay ugu iibsato magaca Soomaaliya.

Jaber-alharmi oo ah wariye rug cadaa ah oo u shaqeeya warbaahinta Dawladda Qadar ayaa kusoo qoray bartiisa twitterka in soomaliya ay diiday $80 Million ay xiriirka ugu jari lahayd wadanka Qadar, taasi oo ay u soo bandhigeen Sucuudiga iyo xuluufadiisu.

Adduunkaan lacageed ayaa waxaa la sheegay inay dowladda Sacuudiga usoo bandhigtay madaxweyne Farmaajo, laakiin madaxweynuhu wuxuu diiday inuu aqbalo dhaqaalahaas, isagoo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu xiriirka dowladda Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan waxa uu si rasmi ah u sheegay in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay arrimaha muranka ee Khaliijka Carabta.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: