Urur Goboleedka IGAD oo Safiir Cusub u soo Magacaabay Soomaaliya

Urur Goboleedka IGAD oo Safiir Cusub u soo Magacaabay Soomaaliya

Hogaanka sare ee urur goboleedka IGAD ayaa Maxamed Cali Guyo u magacowday Wakiilkeeda cusub ee Soomaaliya, kadib shir ay ururkaasi ku yeesheen xarunrta Itoobiya ee Adis Ababa.

Wakiilka cusub Maxamed Cali Guyo ayaa lagula dardaarmay in uu noqday Wakiil wanaagsan oo sare u qaadi kara xiriirka IGAD iyo Soomaaliya, iyadoo IGAD aysan lahayn tan iyo sanadkii hore Wakiil u qaabilsan Soomaaliya.

Magacaabista Wakiilka cusub ayaa timid, kadib markii Wakiilkii hore Maxamed Cabdi Afay ay Qaramada Midowbay sanad ka hor u magacowday wakiilkeeda arimaha Qaxootiga ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com