Madaxweyne Farmaajo oo Sucuudiga ka Diidey $80 Million oo Xiriirjar Qadar

Madaxweyne Farmaajo oo Sucuudiga ka Diidey $80 Million oo Xiriirjar Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidey aduun lacageed oo gaaraya $80 Million oo dollar oo dowladda Sucuudigu u soo bandhigtay Dawladda Soomaaliya, si ay ugu iibsato magaca Soomaaliya.

Jaber-alharmi oo ah wariye rug cadaa ah oo u shaqeeya warbaahinta Dawladda Qadar ayaa kusoo qoray bartiisa twitterka in soomaliya ay diiday $80 Million ay xiriirka ugu jari lahayd wadanka Qadar, taasi oo ay u soo bandhigeen Sucuudiga iyo xuluufadiisu.

Adduunkaan lacageed ayaa waxaa la sheegay inay dowladda Sacuudiga usoo bandhigtay madaxweyne Farmaajo, laakiin madaxweynuhu wuxuu diiday inuu aqbalo dhaqaalahaas, isagoo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu xiriirka dowladda Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan waxa uu si rasmi ah u sheegay in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay arrimaha muranka ee Khaliijka Carabta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com