Bishii Ramadaan oo la Arkay iyo Berri oo Soon ah

HomeWararka

Bishii Ramadaan oo la Arkay iyo Berri oo Soon ah

Caawa waxaa badanka dhulka Soomaaliyeed si siman looga arkay dhalashada bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, taasoo ay horay u adkaan jirtay bilashadeeda

Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Maxay dowladda Soomaaliya uga jawaabtay Go’aankii ka soo baxay maxkamada ICJ? (Akhriso)
Koox Samafalayal ah oo lagu Afduubtay Duleedka Magaalada Baydhabo

Caawa waxaa badanka dhulka Soomaaliyeed si siman looga arkay dhalashada bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, taasoo ay horay u adkaan jirtay bilashadeeda koowaad si waafi ah in loo arko, uuna ka dhalan jiray khilaaf lagu kala duwanaado maalinka ugu horreeya ee Soonqaadka.

Fiidnimadii caawa dhul badan oo Soomaaliya ah, lehna Bari, Galbeed, Koonfur iyo Waqooyiga ayaa laga wada arkay dhalashada bisha Soon oo caawa noqonaysa kow, taasoo meesha ka saaraysa sida la filayo khilaaf kala Soomid oo Soomaalida dhaxdeeda ah.

Wasaaradaha caddaaladda iyo arrimaha diinta ee maamullada dalka ayaa maalin weyntii maanta sii iclaamiyey berri oo Sabti ah in ay tahay maalin Soonqaad, waxaana maamulladaasi ka mid ah Puntland oo soo saartay warsaxaafadeed ay ku iclaamisay Soon ahaanta berri oo Sabti ah.

Meelaha qaar magaalooyinka Soomaaliya ee laga arkay bisha Soon, waxaa ka dhacay dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo dhalashada bisha Soonka, iyadoo la maqlayey rasaas fudud oo cirka loo ridayo.

Dunida Islaamka ayay sidaasi oo kale berri ay u tahay maalin Soonqaad, iyadoo ay jiraan waddamo badan oo iclaamiyey bishada bisha Barakaysan ee Ramadaanka.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: