Gaas oo Helsinki, Finland lagu Soodhaweeyey (masawirro)

HomeWararka

Gaas oo Helsinki, Finland lagu Soodhaweeyey (masawirro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa duhurkii maanta oo ay taariikhdu tahay 21/5/

Kenya oo ka laabatay xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dadhaab iyo Kakuma
RW Khayre oo Kulan Gaar ah oo Wada Tashi la Yeeshay Beesha Caalamka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya Shirka Baarlamaannada Afrika

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa duhurkii maanta oo ay taariikhdu tahay 21/5/2017 waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hada ku jira gebagebadii safarkiisa uu ku marayey qaar ka mida wadamada Yurub, gaar ahaan England, Norwey, Sweden iyo Finland ayaa maanta si balaadhan waxaa loogu soo dhaweeyey magaalada Helsinki, halaaks oo uu kula kulmi doona qaar kamida madaxda wadankaasi iyo sidoo kale Jaalaiyadaha Soomalida oo ay ugu horayso Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan dalkaasi.

Soo dhawaeynta Madaxweynha Dawladda Puntland  iyo weftigiisa oo ahayd mid balaadhan ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Helsinki ee wadankaasi Sweden, waxaana kasoo qayb galay soo dhawaynta madaxweynaha qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland ee Helsinki oo ay hor kacayeen odayaasha, waxgaradka, iyo aqoonyahanada jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo shacabkii soo dhaweeyey bogaadin iyo mahadnaq ujeediyey, ayaa hadal kooban ugu jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey waxaa uu si weyn ugaga mahadnaqay soo dhawaynta maamuuska badan xanbaarsan ee ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

” waan idiinkaga mahadnaqayaa sida maamuuska leh ee aad aniga iyo weftigayga usoo dhawayseen, runtii waa dareen farxad leh, waxaadna noo soo dhawayseen si wanaagsan oo qadarin iyo xushmadi ku dheehan tahay, waana idiinka mahadnaqayaa wanaagiinaas aad noo muujiseen, waxaan idinla qaadan doonaa dhowr berri, illaahay idinkiisna waxaynuna wada qaadan doonaa wakhti badan, , waxaan isku xogwaraysan doonaa fadhi mugii”, ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugudanbayn: Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku sugnaan doonaa mudo saddex maalmood magaalada Helsinki ee caasimada, kadibna soo afmeeri doonaa safarkiisa uu ku marayey qaybo kamida qaarada Yurub.

–DHAMMAAD–                                                                                                  

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

 

 

  

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • runtii dalka iyo dadkuba waxay u baahanyihiin waxqabad iyo horumar ee safar yurub ah iyo sawiro aan wax macnaa kujirin dhaqaale lumaya maahane runtii aniga wax ilaquman ma ahan waana aragtidayda mahadsanidin #Radio_Daljir

DISQUS: