Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya Shirka Baarlamaannada Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya Shirka Baarlamaannada Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ka sagootiyay Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, waxaana ay ka qeyb galayaan shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament).

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaa madaxda kale ee ka qeyb galeysa Shirka, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya & taageerada Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika ayaa sanadkiiba mar la qabtaa, iyada oo looga hadlo sidii loo horumarin lahaa Baarlamaannada Arika, iyaga oo madaxda ay is dhaafsadaan tallooyin kala duwan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com