Roobab Lagu Diirsaday oo Xalay iyo Saaka Ka Da’ay Gobolada Nugaal iyo Mudug

HomeWararka

Roobab Lagu Diirsaday oo Xalay iyo Saaka Ka Da’ay Gobolada Nugaal iyo Mudug

Wararka ku soo dhacaya Istuudiyaha Daljir ee magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in roobab siweyn loogu diirsaday ay xalay gelinkii dam

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Xafiiska Xuquul Aadanaha Puntland oo qaadacay Awaamiirtii ka soo baxay guddiga amniga gobolka Bari (Akhriso )
MAANHADAL: Shirka dhuumareeb & dib u dhiciisa (dhegayso)

Wararka ku soo dhacaya Istuudiyaha Daljir ee magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in roobab siweyn loogu diirsaday ay xalay gelinkii dambe iyo saaka ka de’een deegaamo hoosyimaada Burtinle iyo Xarfo.

Deegaamada roobsaday ayaa waxaa kamid ah  degmada Burtinle, Tuulada Jalam, Tuulada Magacley, Tuulada Cariska oo katirsan Cagaare, waxaana goob jooge ku sugan tuladaas ayaa sheegaya in xaalada tuuladaas iyo Hareeraheeda ay yihiin kuwo khatar ku sugan maadaama togga biyo buux dhaafiyeen.

Dhanka kalena waxaa roobsaday Degmada xarfo & deegaamada hoos yimaada, Bacaad-weyn, Ceel-Berrdaale   Gacana-fale ilaa Godad oo katirsan gobolka Mudug.

Dhanka kalena, Tuulada Gosol oo Burtinle hoosyimaada ayaa waxaa ku soo rogmey biyo aad u badan, waxaana ay ku soo beegmayaa xilli horay tuuladaasi ay u buux dhaafiyeen biyo aad u badan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: