Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Wajahan Magaalada Addis

HomeWararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Wajahan Magaalada Addis

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Addis ababa ee xarunta Itoobiya. Maxamed Cab

Warka Fiidnimo, CabdiXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warkii Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale (DHEGAYSO)
Xildhibaan Somaliland katirsan oo si kulul uga hadlay Heshiiski Dekadda Berbera iyo Xaalka Tukaraq (Daawo)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Addis ababa ee xarunta Itoobiya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dalka Itoobiya kula kulmi doona Ra’isul wasaaraha dalkaas Hailemariam desilgn iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wadanka Itoobiya ayaa Soomaaliya ku leh galaangal xoog leh, waxaana ka jooga ciidamo fara badan ka oo ka tirsan AMISOM iyo kuwo aan ka mid aheynba, waxayna si toos ah gacansaar ula leedahay maamulada federaalka ee hoos taga dowlada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo oo xilka haya saddex bilood oo maalmo dhiman ayaa booqashada uu ku tegayo maanta Itoobiya waxay noqoneysaa tii lixaad ee uu dalka dalka dibediisa ku tago, isagoo horay u booqday dalalka Sucuudiga, Kenya, Baxreyn, Imaaraadka iyo Turkiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: